Monday 18 June 2012

Verb practice - 'rab' to want

Maxaan rabaa? - What do I want?
Maxaad rabtaa? - What do you want?
Muxuu rabaa? - What does he want?
Maxay rabtaa? - What does she want?
Maxaanu rabnaa? - What do we (excl.) want?
Maxeynu rabnaa? - What do we (incl.) want?
Maxaad rabtaan - What do  you (pl.) want?
Maxay rabaan - What do they want?


Laba saxan oo bariis ah baan rabaa - I want two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah baad rabtaa - You want two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah buu rabaa - He wants two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah bey rabtaa - She wants two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah baannu rabnaa - We (excl.) want two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah beynu rabnaa - We (incl.) want two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah baad rabtaan - You (pl.) want two plates of rice
Laba saxan oo bariis ah bey rabaan - They want two plates of rice

Or, you can say

Waxaan rabaa laba saxan oo bariis ah
I want two plates of rice 
Waxaad rabtaa laba saxan oo bariis ah
 You want two plates of rice
Wuxuu rabaa laba saxan oo bariis ah
 He wants two plates of rice
Waxay rabtaa laba saxan oo bariis ah
 She wants two plates of rice
Waxaanu rabnaa laba saxan oo bariis ah
 We(excl.) want two plates of rice
Waxeynu rabnaa laba saxan oo bariis ah
 We(incl.) want two plates of rice
Waxaad rabtaan laba saxan oo bariis ah
 You(pl) want two plates of rice
Waxay rabaan laba saxan oo bariis ah      
 They want two plates of rice

Yaa rabaa? - Who wants it?
Anigaa/Anaa rabaa! - I want it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Adigaa/Adaa rabtaa! - You want it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Isagaa rabaa! - He wants it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Iyadaa rabtaa! - She wants it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Annagaa rabnaa! - We want it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Innagaa rabnaa! - We want it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Idinkaa rabtaan! - You want it!
Yaa rabaa? - Who wants it?
Iyagaa rabaan! - They want it!    

Anigaa = Aniga + baa
Adigaa = Adiga + baa
etc...
 

No comments:

Post a Comment