Sunday 12 August 2012

BBC Article - Mo Farah is victorious once again

Mo Faarax ayaa gaarey guushii labaad ee Olympics-ka London ka dib markii uu ku guuleystey orodka 5,000 oo mitir.

Mo Farah achieved a second victory at the London Olympics after winning the 5000m race.

Waa billadii labaad oo dahab ee uu helo Mo Faarax iyadoo uu horey ugu guuleystay orodka 10,000 oo mitir.

It is the second gold medal Mo Farah has got since he won the 10,000 metre race before. 

Mo Farax ayaa sheegey in uu ku faraxsan yahay guushani, “Waan daalanaa markaan ka qeyb-galayey orodka, kolkii aan arkey inaan ugu horreeyo, waxaan ogaa inaan ku qasbanahay inaan guuleysta,” ayuu yiri.

Mo Farah said that he is happy with this victory, "I was tired when I entered the race, 

Faysal Farax oo orodka walaalkii ka daawanayey Televishonka magaalada Wajaale ee xadka Somaliland iyo Ethiopia, aya sheegey in uu ku faraxsanyahay guusha walaalkiis uu gaaray.

Faysal Farah, who was watching his brother's race on television in Wajaale on the Somaliland/Ethiopia border, said that he is happy with the victory his brother achieved.

Faysal waxaa uu sheegey in uu ka soo safrey meel aan sidaa ugu fogeyn Wajaale si uu Telefishonka ugu daawado orodka walaalkiis.

Faysal said that he travelled as far as Wajaale in order to watch his brother's race on television.

Mo Farax ama Maxamad Farax, waxaa uu ka soo tegay Soomaaliya isagoo ay da’diisu yar tahay, waxaa uuna u ordaa dalka Britain.

Mo Farah or Mohammed Farah left Somalia at a young age, and runs for Britain.

Soomaali badan oo ku nool Kenya iyo Soomaaliya aya soo dhaweeyay guusha Mo Farax.

Many Somalis who live in Kenya and Somalia welcomed Mo Farah's victory.

Sentence practice

Wuxuu ordaa - He runs
Wuxuu u ordaa - He runs for...
Wuxuu u ordaa Britain - He runs for Britain

Soomaali badan - Many Somalis
Soomaali badan oo ku nool - Many Somalis who live in
Soomaali badan oo ku nool Kenya iyo Soomaaliya - Many Somalis who live in Kenya and Somalia
Soomaali badan oo ku nool Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay
Many Somalis who live in Kenya and Somalia welcomed
Soomaali badan oo ku nool Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guusha Mo Farah
Many Somalis who live in Kenya and Somalia welcomed the victory of Mo Farah.

2 comments:

  1. I loved this article - please could you translate some more newspaper stories.

    ReplyDelete
  2. Thanks for your comment. Hopefully, I will try to do some translated articles in the coming days and weeks.

    ReplyDelete