Sunday 15 May 2011

Qoyskayga (My family)

Qoyskayga waa lix qof. Aabbahay iyo Hooyahay, iyo laba wiil iyo laba gabdhood oo aannu walaalo nahay. Aabbahay waa 45 jir.  bank buu u shaqeeyaa. Aroor kasta, wuxuu guriga ka baxaa sideedda oo shaqada aadaa. Wuxuu jecelyahay filimada iyo kubadda. Hooyo, guri bay joogtaa oo ka shaqeeysaa. Aroortii, waxay sameesaa canjeero. Habeenkii, waxay karisaa bariis iyo hilib. Waan jeclahay hooyaday.
Walaalkay iga weyn waa 25 jir. Wuxuu qalinjebiyey 2005 tii. Wuxuu bartay injiniirnimada . Hadda, wuxuu ka shaqeeyaa Sacuudiga.
Walaashay iga weyn waa 20 jir.  Ardey jaamacadeed bey tahay. Waxay barataa af Shiinaha.
Walaashay iga yar waa 10 jir. Weli dugsi bey tagtaa. Waxay jeceshahay bisad iyo kartuun. Mustaqbalka, waxay dooneysaa inay noqoto dhaktarad.

Vocab
Qoys(ka) - family
qof(ka) - person
Aabbahay - my father
Hooyaday - my mother
wiil - boy
gabdhood - girls
Aroor kasta - every morning
filimo(da) -  films
kubad(da) - football
habeen(ka) - evening
Walaalkay iga weyn - My elder brother
Walaashay iga weyn - My elder sister
qalinjeb - to graduate(lit: 'to break my pen')
injiniirnimo(da) - engineering
Sacuudiga - Saudi Arabia
Ardey jaamacadeed - a university student
af Shiinaha - the Chinese language
dugsi(ga) - school
bisad(da) - cat
kartuun(ka) - cartoons
mustaqbal(ka) - future
waxay dooneysaa - she wants
noqoto - to become (feminine form)
dhaktarad(da) - doctor (feminine form)

No comments:

Post a Comment